Eng: Yariisow oo ka qaybgalaya shir muhiim ah oo ka dhacaya dalka Jabuuti

0

(Muqdisho) 11 Nov 2018 – Duqa Caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeybgala shirka maayaradda wadamada Islaamka oo Maanta furmaya dalka Jabuuti.

Shirkaan oo ah mid caalami ah ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti uu ka furmo waxaana halkaasi saacadihii ugu dambeeyay gaaray wufuud kala duwan oo shirkaasi ka qeybgalaysa.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa.

Shirkan waxaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin sidii ay xiriir joogta ah u yeelan lahaayeen Madaxda Caasimadaha wadamada Islaamka iyo sidoo lagu horumarin lahaa Magaalooyinkaasi.

Hadalsame Media