Ilhaan Cumar oo ka faa’iidaysatey moowjadda buluugga ah ee haweenka Maraykanka! + Sawirro

0

(Minnesota) 07 Nof 2018 – Ilhan Omar, oo ku guulaysatay inay noqoto, qofkii gobolka Minnesota u meteli lahaa Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka. Guusha Ilhan ma ahan mid Soomaalida kaliya muhiim u ah, balse xataa waa mid qiima weyn ugu fadhisa guud ahaan Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan Muslimiinta Maraykanka.

Sababtoo ah, maanta Ilhan kaliya ma noqonayso qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah ee ku biira Congress-ka, balse haweeney kaloo Muslim ah ee lagu magacaabo Rashida Tlaib (taasoo asal ahaan u dhalatay Falastiin) ayaa iyadana ku guulaysatay inay noqoto qofkii Gobolka Michigan u meteli lahaa Congress-ka Maraykanka.

Sidaasi darteed, laba haween oo Muslimiin ah ayaa markii ugu horreysay hal mar ku wada biiray Congress-ka Maraykanka! Faah-faahinta oo dhamaystiranna waxaa la ogaan doonaa saacadaha soo socda Insha Allah.

“Gobolkeennu waa mid qabow, balse dadkiisu waxay leeyihiin qalbi diiran. Sababtoo ah halkani Minnesota, soo galootiga (immigrants) ma aqbalno oo kaliya, balse xataa waxaan u dirnaa Inay ku biiraan madaxda ka talisa Washington.” ayay tiri Ilhaan Cummar.

Guud ahaan doorasho dhexaadkan ayaa noqotay middii ay iskugu soo bexeen haweenkii ugu badnaa ee abid ka qayb qaata doorashada Maraykanka waxayna haweenka codeeyay ay inta badan u codeeyeen xisbiga Dimoqraadiga, taasoo caawisay haween sharraxnaa oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.

Waxaa Diyaariyay: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media