Daraasad sheegtay inay doobnimadu ka ”wanaagsan tahay” GUURKA!! (Daawo)

0

(Hadalsame) 07 Nof 2018 – Daraasad cusub ayaa tibaaxaysa in uu guurku dadka xadido bulsho ahaan, iyadoo sheegaysa in dadka doobka ah ama kali nool ay kaalmeeyaan, ama la kaalmeeyo, kana xiriirin ogyihiin walaalaha, waalidka, saaxiibbada kale marka la barbardhigo kuwa qoyska leh, sida lagu qoray Journal of Social and Personal Relationships.

Waxay sidaa darteed daraasaddani ku doodaysaa in kelinnimadu ay kordhiso xiririka bulsho ee ragga iyo haweenkaba, taasoo ah arrin la hubiyay xitaa marka la eego qaab dhismeedka xiriirka bulshada, sida ay ku doodayaan.

Waxay dadka daraasaddan sameeyay intaa ku dareen, in halkii guurka la buun buunin lahaa, la dul istaago xadidaadaha guurka lala xiriiriyo isla markaana la aqoonsado in dadka kali noolka ihi ay bulsho ahaan ka saamayn badan yihiin kuwa xaasaska ah.

Daraasaddan oo bilaabatay 2015 laguna qaadaa dhigay doodda TEDx bishii Maajo 2017, ayay Bella DePaulo ku dooday in ay dadku yaraystaan sheekooyinka dadka kali noolka ah, balse aad diiradda loo saaro sheekooyinka jacaylka, xiriirka iyo guurka.

Dadka daraasaddan dhaliilsan ayaa se ku doodaya in bulshada ku xusan in la xiriirinayo sida walaalaha, waalidka, saaxiibbada iwm aanaysan jireen haddii uusan jirin qoys soo saaraya dadkaa ay daraasaddu xustay in la xiriirinayo haddii kali la noolaado, maaddaama haddii uu qof kasta kali noolaado aysanba bulshannimo sii taaqtaaqi karin.

Hadalsame Media