Shariifku waa turub ay tuurteen madaxda maamulllada dowladda khilaafsan!

0

(Hadalsame) 07 Nof 2018 – Koonfur Galbeed waxa ay i su diyaarinaysaa doorashada madaxwayne ee 17 ka bishan. Musharraxiinta u taagan xilka uu hadda hayo Shariif Xasan wax ay intooda badan qaateen malafkii musharrraxnimo.

Maamulka K/Galbeed oo xubin ka ah Midowga Maamul Goboleedyada waxa ka go’an in Shariifku xilka sii hayo oo dib loo doorto. Arrintaasi waxa yididiilo u arka Madaxa Maamul Goboleedyada Gaas ka Puntland iyo Xaafka ka arrimiya Galmudugta madaxda badan.

Baaqi noqoshada Shariif wax kale oo ay muujin kartaa awoodda siyaasadeed ee dowladda Dhexe inta ay gaarsiisan tahay maadaama dowladdu xilka maamul goboleedyada la doonayso guulwadeeye.

Baahiyahaa jira si hadaba loo mideeyo oo qolo kastaa u hesho cadka u go’a waxa la ga ma maarmaan ah in miiska la soo fariisto oo la wada hadlo. Madaxwaynaha Qaranka ayaa dhowr jeer ku baaqay in la fariisto.

Waa la fariistay waxase fadhigu ka dhacay Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, Dhuusamasreebna waa lagu wadaa in uu ka dhaco. Si sidaa le’eg beddelkii la kulanka Madaxwaynaha Qaranka waxa ay madaxda maamulladu la fariisteen Wakiil Haysom oo ah Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Modoobay u qaabilsan Somaliya.

Cilmiga sharciga ayuu ku qaatay shahaadada PhD. Marka la ga reebo C/Weli Gaas saddexda kale dugsi hoose ma ay dhamaysan. Xalay wax uu Madaxwayne Shariif ka iibiyey guddoonkii doorashada iyo xigeenkiisuba inay xilka tuuraan.

Malaaqyada deegaanka oo ah Isimada deegaanka ayaa ku arrimiyey in doorashada dib loo dhigo, waqti aan la cayimin. Musharaxiinta u taagan xilka Koofur Galbeed ayaan weli ka hadlin arrinkan.

Dowladda Dhexe wax ay ku baaqday in doorashada lagu qabto waqtiga loo asteeyey. Xiriirka wanagsan ee Xaaf iyo Shaakir, is casilaadda guddiga doorashoonka K/Galbeed, Gawaarida Xamuulka ee Cadaado la taagan wax aan la aqoon, Heysom ka dhex meereysanaya dalka dhan ee labada aqal, madaxwaynaha iyo xukuumadda leh iyo Shirka dib u heshiisiineed ee Dhuusamareeb ayaa ah culays siyaasadeed oo hurdada u diidi kara Dadaxda Dowladda Dhexe. Shariif Xasan, shan iyo toban sano ee la soo dhaafay wax uu ahaa fure labaad oo la gu furo albaabbada siyaasadeed ee Somaaliya.

Musharaxiinta magaca iyo sumcadda ku dhex leh shacabka Gobolka iyo ciidamada Ethiopia ee ku waardiyeeya xafiiskiisa ayaa ah culayska Shariifka. 10 cisho ee ka dhiman doorashada ayaa la ogaan doonaa haddii maamul goboleedyadu guul siyaasadeed gaaraan iyo in Shariifku ka daba shaqaafo Cosoble, Taabit iyo Jawaari.

Waxaa Qoray: Idriis Xaaji Campione

FG: Aragtida qoraalkani sido waxay ka tarjumaysaa qofka ku saxiixan

Hadalsame Media