(Muqdisho) 04 Nov 2018 – Wasiirkii hore amniga qaranka ee Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa jawaab kulul ka bixiyay qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Qoraalka ka soo baxay NISA shalay galinkii dambe ayaa lagu sheegay in la hakiyay qandaraasyo mallaayiin doolar ay ku baxayso oo uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
“NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska,” ayuu yiri wasiirki hore ee Amniga.
Hoose ka akhriso qoraalka NISA
Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in qadaraasyada malaayiinta dollar ay ku baxeyso la siiyay shirkad qaabilsan Loojistikada oo ay shirka ku yihiin masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirkii hore ee amniga qaranka C/risaaq Cumar Maxamed
Hadalsame Media