Ka bogo shanta Sharikadood ee caalamka ugu SHAR badan (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 04 Nof 2018 – Sharikaadka waawayn ee caalamiga ihi waxay ku kobcaan inay sumcad shaqo oo wanaagsan leeyihiin, balse markasta xaalku sidaa maaha, haddaba waxaannu idiin haynaa shanta shirkadood ee caalamka ugu shariirsan looguna neceb yahay.

1 – Monsanto

Shirkaddani uma baahna in dadka la baro, waa shirkadda hindistey dawada halista ah ee DDT (Dichlorodiphenyltrichloroethane) oo mar hore la mamnuucay iyo Agent Orange oo iyaduna ah sun halis ah, meelaha lagu buufiyay waxaa ka mid ah dalka Vietnam intii uu soconayay dagaalkii ay kula jireen Maraykanka.

Monsanto waa sharikadda ugu wayn caalamka ee farsamaysa dawooyinka lagu dilo jaanka beeraha, waa sharikaddii ugu horreeysey ee ku dhaqaaqda inay macmasho hide-sidka miraha beeraha iyo noolaha waxa loo yaqaanno GMC & GMO (Genetically Modified Crops and Organisms).

Waxaa lagu eedeeyaa in dawooyinkeedu ay dilaan dalagga aan kiimikaysnayn ee sida dabiiciga ah u baxa, taasoo ah ku tala gal si ay gacanta ugu dhigto dhamaanba dalagga adduunka taasoo malaayiin hektar oo dhul ah ma dhalays ka dhigta, iyadoo sidoo kale la sheego inay dalagga iyo abuurka ay iyadu hide-sidkiisa macmashay uu dadka cuna u keeno cudurro halis ah sida kansar, ma dhalaysnimo iyo waxyaabo kale oo halis iyo dhibaatooyin caafimaad leh.

2 – Apple

Sharikaddan oo mar ahayd mid ay jeclaayeen dadka ku kacsan ama neceb Microsoft wejigeedu waa is beddeley, Apple waxaa lagu eedeeyaa inay si xun ula dhaqanto shaqaaleheeda, iyo inay canshuuraha la dhuumato oo ay malaayiin ku kaydsato dalalka canshuuraha lagula gambado (tax haven).

Apple waxaa lagu eedeeyaa inay ku tumato xeerarka u yaalla bay’adda iyo faya dhowrka iyo ku takri falka fursadda halka gacan ah ee ay u haysato suuqa telefoonnada iyo agab-danabeedka, iyo Alla haa, inay si istaraatiji ah hoos ugu dhigto bandhigga iyo waxgalnimada telefoonnada marka muddo yar la haysto, si ay u samaysato fursd kale oo kuwo cusub looga iibsado.

La soco qayb kale…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media