DAAWO: Tareen 50 qof hal mar ku diley dalka Hindiya (Shil naxdin leh)

0

(Amritsar) 19 Okt 2018 – Dalka Hindiya dabbaal deg diimeed ayaa musiibo isu rogey, kaddib markii uu tareen dhex maray dad haysta diinta Hindu-ga, magaalada Amritsar, oo u dhow xudduuda uu dalkaasi la leeyahay Pakistani, halkaasoo ay ku dhinteen in badan 50 qofood.

Waxaa la arkayay qaac iyo jug wayn oo mar qura is qabsaday, tareenka ayaa marayay meel ay dhoobnaayeen dadka xuska ka qayb gelayay, iyadoo xaakimka Amritsar, Rajesh Sharma, uu xaqiijiyay in ilaa iminka la helay 50 mayd.

Dadka ayaa iskugu yimid munaasabad lagu gubayay sanam ay Hindu-gu aaminsan yihiin inuu yahay shaydaan ay u yaqaannaan Ravana, waxaana xaadir ahaa dad ka badnaa 700 oo qofood.


Hadalsame Media