Siyaasi hadda kahor ku baaqay in baasaboorka lagala noqdo RW Khayrre oo uu haatan kiisu baxar ku jiro!

0

(Oslo) 19 Okt 2018 – Siyaasi ka tirsan xisbiga Frp, Mazyar Keshvari, ayaa iska casiley xilka madaxa xisbigaasi qaybta Oslo Frp, isagoo arrintaa ku wargeliyay hoggaanka xisbiga Frp, Hans Andreas Limi oo isna arrinta u sheegay NRK.

Arbacadii ayay ahayd, markii uu warsidaha Aftenposten uu daboolka ka qaaday war sheegayay inuu Mazyar Keshvari lacag dhan 290,000 oo ah karoonka Norway ku qaatay safar uu been abuuray jeer uu dhinac ka joogey magaalada Oslo.

Keshvari ayaa khaladkaa qirtay isagoo sheegay inuu ka qoomamaynayo, iyadoo ninkan oo sidoo kale xildhibaan ahaa ay haatan booliisku baarayaan warqadaha uu ku dalbaday lacagta badan oo ah gunno uu xaq u leeyahay marka uu safrayo balse uu qaatay isagoo jilaya inuu safar u socda.

RW Erna Solberg (H), oo ku sugnayd shir uu Midowga Yurub ku leeyahay Brussels oo ay Norway wada shaqayn la leedahay, waloow aysan ka mid ahayn Midowga Yurub, ayaa iyadoo arrintan ka hadlaysa waxay tiri: “Arrintan waa in la dhameeyaa oo la nadiifiya,” mar ay Solberg la hadlaysay TV 2.

Ninkan ayaa kasoo jeeda dalka Iiraan, balse wuxuu marar badan adeegsan jirey halku dhegyo soo galooti nacayb ah, tiiyoo uu laftiisu ajnabi dhalasho qaatay ku yahay Norway, kiisaskiisa caanka baxay waxaa ka mid ah inuu ku baaqi jirey in dhalashada lagala noqdo dadka lagu helo dembi iyo isagoo diidanaa in xad loo yeelo baasaboor la noqoshada uu dalkaasi caanka ku yahay.

Wuxuu ahaa ninka horraantii 2017-kii ku baaqay in dhalashada Norway lagala noqdo Raysul Wasaaraha Somalia ee Xasan Cali Khayrre maadaama uu madax u noqday dal kale, taasoo aysan ka aqbalin dowladda Norway. Lama oga in uu isagu diyaar haatan u yahay inuu baasaboorka dhiibo maadaama lagu helay musuq culus.

Hadalsame Media