(Addis Ababa) 17 Okt 2018 – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa markii u horeysay muddo 40 sano ah kaddib bilaabeysa duulimaadyo toos ah oo isku xiri doona Muqdisho iyo Addis Ababa.
Shirkaddan, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay inay duullimaadyadaasi bilaabmayaan 2-da bisha Nofeembar, waxayna Muqdisho imanaysaa 3 maalmood oo kala ah: Isniin, Arbaco iyo Jimco.
”Waxaan kusoo noqonnay #Mogadishu, Somalia, wixii loo gaaro Nofeembar 2, 2018.” ayuu u dhignaa war ay shirkaddu kusoo qortay barteeda.
We are back to #Mogadishu, Somalia, effective November 2, 2018. #Flight_to_Mogadishu #EthiopianAirlines pic.twitter.com/qS0KSzxkv4
— Ethiopian Airlines (@flyethiopian) October 16, 2018
Hadalsame Media