Ethiopian Airlines oo markii ugu horreeysay 40 sano kaddib duullimaadyo toos ah ka bilaabaysa Muqdisho (Arag goorta ay bilaabayso & jadwalka maalmaha)

0

(Addis Ababa) 17 Okt 2018 – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa markii u horeysay muddo 40 sano ah kaddib bilaabeysa duulimaadyo toos ah oo isku xiri doona Muqdisho iyo Addis Ababa.

Shirkaddan, ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay inay duullimaadyadaasi bilaabmayaan 2-da bisha Nofeembar, waxayna Muqdisho imanaysaa 3 maalmood oo kala ah: Isniin, Arbaco iyo Jimco.

”Waxaan kusoo noqonnay , Somalia, wixii loo gaaro Nofeembar 2, 2018.” ayuu u dhignaa war ay shirkaddu kusoo qortay barteeda.


Hadalsame Media