Wasiiradda arrimaha dibedda dalalka Itoobiya iyo Eretria soo gaaray Muqdisho

0

(Muqdisho) 17 Okt 2018 – Wasiiradda arrimaha dibedda dalalka Itoobiya iyo Eretria ayaa goor dhow soo gaaray Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaana socdaalka wasiiraddaasi ka soo baxaya warar dheeraad ah.

Garoonka diyaaraddaha Aadan Cade airport waxaa hadda ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiiradda.

Inkastoo aan ka helin ajandaha dhabta ee socdaalka wasiiraddda arrimaha dibedda Itoobiya iyo Eretria, haddana waxaa jira warar sheegaya inay hor dhac u yihiin wufuud caalami ah oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaasha dalalka Itoobiya iyo Eretria oo ku soo wajahan Muqdisho.

Ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana xiran inta badan Isgoysyadda muhiimka ah ee magaaladda.

Hadalsame Media