SAWRRO: Wararkii ugu dambeeyay khasaare ka dhashay qaraxyo ka dhacay Baydhabo

0

(Muqdisho) 13 Okt 2018 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dashay qaraxyo Ismiidaamin ah oo maqrinimadii caawa ruxay Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qaraxa hore ayaa lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Bilan.

Qaraxa labaad oo ahaa mid uu fuliyay qof walxaha qarxay watay ayaa lagu qaaday Maxaaqi lagu magacaabo Bader.

Inta la ogyahay 12 ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay kontomeeyo kale.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobaha qaraxyadu ka dhaceen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weeraradaan.

Hadalsame Media