XOG DHEERAAD AH: Sida loo khaarajiyay ee kaddibna loo qalay Jamaal Khaasuqji oo si daqiiq ah u faahfaahsan

0

(Istanbul) 13 Okt 2018 – Imika ayuu soo cadcaddaanayaa warkii Jamaal Khaashuqji. Qunsuliyaddooda ayuu galay goorsheegta oo ku taagan 1:15 duhurnimo. Wax uu gashanaa saacadda diricda ah ee shirkadda Apple oo ku sii xidhiidhsanayd telefoonkiisa oo uu ka ga tagay gabadhii u doonnanayd oo debedda ku sugaysay.

In yar ka dib waxaa ka soo daba galay laba nin oo dilaaga ka mid ah, garaacid ayayna ku bilaabeen isaga oo qaylinaya oo gurmad dalbanaya. Qol kale ayay u jiideen, waana ay sii garaaceen. Suuxiso ayay ku mudeen dhulka ayuuna ku dhacay. Waa ay dileen. Goortii uu dhintay maydkiisii wax ay u soo qaateen miishaarta xitaa lafaha goysa, waana ay jarjareen. Dabadeed shandado ay magaalada ka soo gateen ayay ku gureen hilbihii oo ku qaateen. Waxaa se la malaynayaa in ay madaxii ku xabaaleen beerta safaaradda.

Markiiba meeshii waxaa yimid ciidan diyaarsanaa oo bartii dhagartu ka dhacday nadiifiyay. Ciidankaa waxaa ku jiray dhakhtar sare oo ka mid ahaa 15 nin ee ay labada dayuuradood keeneen, kaas oo hawshaa ku takhasusay.

Xogtaa inteeda badan waxaa telefoonkiisa u dirtay saacaddii uu xidhnaa ee diricda ahayd. Sacuudigu kolkii ay taa ogaadeen in badan oo xogtii ka mid ah waa ay masaxeen, laakiin sirdoonka Turkiga ayaa ku guulaystay in ay xogtaa dib u soo wada celiyaan.

Dawladuhu waa ay og yihiin sidii wax u dhaceen oo dhammaystiran, laakiin waxaa la gu wada mashquulsan yahay sida u gu caqli galsan ee arrinka loo soo bandhigi karo, waayo waa fajiciso argagax abuurtay.

Is ku soo duub oo Aal Sacuud lacagtooda badweynta ahi dawladihii waaweynaa ayay carrabka ka soo wada ridday oo qiyamkii oo dhan u ga tanaasulay, ilaa heer fog.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media