SAWIRRO: Qaraxyo culus oo ka dhacay Baydhabo

0

(Muqdisho) 13 Okt 2018 – Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Hadalsame Media in qaraxyo is xigxigay ka dhaceen maqribnimadii caawa magaalada gudaheeda waxaana qaraxa hore lagu weeraray hotel lagu magacaabo Bilan.

Qaraxa labaad oo ahaa mid uu fuliyay qof walxaha qarxay watay ayaa lagu qaaday Maxaaqi lagu magacaabo Bader.

Inta la ogyahay afar ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay mid ka mid ah qaraxyada, hase ahaatee khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in uu kor u koco.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobaha qaraxyadu ka dhaceen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay weeraradaan.

Hadalsame Media