INTER MILAN VS PARMA: Shaxda & safafka ay galabta kusoo geli karaan!

0

(Milano) 15 Sebt 2018 – Waxaa galabta soo noqonaya horyaalka Talyaaniga kaddib biririftii ciyaaraha caalami, waxaana kulan xiise badan yeelan doona labada kooxood ee Inter Milan vs Parma.

Dhanka Inter: Sime Vrsaljko ayaa waxaa u yeerey Spalletti: Waxay u egtahay inuu kasoo kabtay jugtii jilibka. Icardi ayaa isna fiican, Spalletti, ayaase u muuqda mid door bidaya Keita. Shaxdu waxay u egtahay 4-2-3-1, iyadoo Gagliardini uu Vecino ka cad cad yahay, halka De Vrij uu qalbiga difaaca ku wehlinayo Skriniar. Waxaa maqan Lautaro Martinez.

Dhanka Parma: Waxba iska beddeli maayaan shaxdii ay kula ciyaartay kulankii Juventus, sida uu qabo macallin Roberto D’Aversa. Parma waxay San Siro ku imanaysaa 4-3-3, waxaana weerarka jaal ku ah Di Gaudio-Inglese-Gervinho. Dhexda waxaa dabka siinaya Stulac. Waxaa weli maqan Grassi.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 2 VRSALJKO, 23 MIRANDA, 13 RANOCCHIA, 20 BORJA VALERO, 87 CANDREVA, 8 VECINO, 29 DALBERT, 15 JOAO MARIO, 9 ICARDI
  • 1 FRATTALI, 56 BAGHERIA, 3 DIMARCO, 95 BASTONI, 23 GAZZOLA, 8 DEIOLA, 13 SIERRALTA, 9 CERAVOLO, 93 SPROCATI, 7 DA CRUZ, 10 CICIRETTI, 26 SILIGARDI

GANAAXAN

  • Calaiò (fino al 31 dicembre 2018)

AAN LA HELI KARIN

  • Lautaro Martinez
  • Grassi, Dezi, Munari, Scozzarella, Biabiany

Hadalsame Media