Qof markasta ”mashquul” ihi ma jiree MUHIIM baanad u ahayn! (Qaybtii 2-aad)

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2018 Marka uu qof muhiim kuu yahay waad danaysaa, wakhtina waad u heshaa. Waxa aad diyaar u tahay in aad wax walba oo kale faraha ka qaaddid marka ay kuu baahan yihiin. Waxa aad diyaar u tahay ballammadii aad lahayd in aad xilli kale ka dhigatid si aad qofkii muhiimka kuu ahaa ula kulantid.

Kuwa aad jeceshahay wakhti baad la qaadataa, maxaa yeelay adiga ayaa sidaa raba. Sababta oo ah arkiddooda ma deyn kartid. Dareenkaaga iyo caadifaddaada ayaa ku xiran, waadna u baahan tahay. Waxa aad u baahan tahay la joogiddooda. Waxa aad u baahan tahay in ay noloshaada qayb ka noqdaan.

Dhinaca kale, haddii jacayl-wadaaggaaga ama qof kale oo noloshaada muhiim u ahi uu had iyo jeer ‘aad mashquul’ uga yahay in aad is aragtaan, markaa taasi waa calaamad cas oo weyn, wax weyn baana si ah. Dhab ahaan taasi waxa ay sheegeysaa in aadan muhiim ugu ahayn sida ay iyagu muhiim kuugu yihiin.

Marka lammaanahaagu kuu sheego in aydinnaan is arki karin sababta oo ah hal milyan oo arrimood baa in uu qabto uga baahan, waxa uu runtii sheegayaa in ‘milyankaas arrimood’ ay isaga uga muhiimsan yihiin adiga. Waxa uu kuu sheegayaa in aadan u lahayn ahmiyadda aad moodeyso in aad u leedahay.

Halkaan ma aynnu lihin marka aad cid xiriir la leedahay waa in aad rajaysaa in lammaanahaagu wakhtigiisa oo dhan adiga ku la qaato. May. Qof kastaa waxa uu u baahan yahay nefis iyo xorriyad shakhsiyeed. Iyada oo sidaas ah ayaa haddana xiriirka caafimaadka qabaa uu yahay midka uu lammaane walbaa dooranayo in uu wakhtiga ugu badan la qaato qaaligiisa kale.

Lammaanayaasha isjeceli waa ay og yihiin in aan xiriirku adkaan karin haddii aan wakhti la wada qaadan. Jacaylku, waxa uu qaataa wakhti, taxalluq iyo dedaal si uu u koro una hodmo.

Sidaas darteed, marka aad qof danayneyso oo aad rabto in ay noloshaada ka mid ahaadaan, waxa aad ku dedaashaa in aad wakhti u hesho! Maxaa yeelay, xirriirka iyo saaxiibtinnimadu si iskood ah oo sixir uma waaraan. Waa in aad kharash (wakhti) gelisaa.

DHAMAAD….

Hadalsame Media