SSC NAPOLI VS FIORENTINA: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Napoli) 15 Sebt 2018 – Waxaa caawa fiidkii ballansan labada kooxood ee SSC Napoli oo laba jeer la waabiyay markii 3-aadna la waray iyo kooxda Viola, labaduba waxay raadinayaan guushii 3-aad.

Dhanka Napoli: Waa wada diyaar laacibiinta kooxdani marka laga reebo Chiriches. Macallin Ancelotti ayaan doonaynin inuu kacaamiyo safka kooxda, waxaana sidaa weli ku kaydsan Mertens si uu boos u helo weerarka dhexe ee Milik. Ospina ayaa weli goolka ilaalinaya.

Dhanka Viola: Waxaa dhaawac kulankan ku seegaya Lafont, Pioli ayaa markaa ku xisaabtamaya Dragowski, dhanka khadka dhexe waxaa soo noqday Veretout oo kulankii tegey ganaaxnaa. Seddexleeyda weerarka Eysseric ayaa fooska ka xiga Pjaca.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 27 KARNEZIS, 22 D’ANDREA, 19 MAKSIMOVIC, 2 MALCUIT, 13 LUPERTO, 42 DIAWARA, 8 FABIAN RUIZ, 9 VERDI, 30 ROG, 11 OUNAS, 14 MERTENS
  • 67 GHIDOTTI, 5 CECCHERINI, 2 LAURINI, 16 HANCKO, 34 DIKS, 6 NORGAARD, 26 FERNANDES, 77 THEREAU, 14 DABO, 10 PJACA, 11 MIRALLAS, 21 SOTTIL

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Younes, Meret, Ghoulam, Chiriches
  • Graiciar, Lafont

Hadalsame Media