Boqorkii TUUGGA ahaa ee uu dubaabku galay!! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 09 Sebt 2018 – Nin muqayil ah “Qaad ruuge” ah oo maalmihii ay jirtay dowladdii Xasan Sheekh ee la yara hakiyey diyaaradihii Jaadka, waayey jaad uu ruugo, ayaa uu dubaab wareeriyay. Kaddibna wuxuu iiga sheekeeyey wixiu ku dhacay. Sheekadii na dhex martay waa tan:

Waxa aan jaad cunis billaabay 32 sano ka hor, badanaa ma waayi jirin, balse labadan maalmood ee diyaaradaha jaadka la joojiyey waan waayey, waxaana waayidda jaadka ka dhaxlay dhibaatooyin fara badan, waayo dubaab daran ayaa i gala habeen walba oo ma hurdi karo.

Waxaan waydiiyey sidee ayuu kuu galaa dubaabka, bal iiga sheekey. Kaddib wuxuu yiri sidan: Habeenkii 1-aad ee jaadka la hakiyay waa aan fiicnaa oo mid baarixi ah (Maalintii hore baaray) ayaan iska cunay, habeenkii labaad aniga oo qaadireysan ayaan seexday, markaas ayuu dubaab i galay. Taariikh xun ayuuna i marsiiyey. Wax laga sheekeyn karo ma ahan.

Indhaheyga markii ay is galeenba waxaan mar qura ku riyooday aniga oo aad shiid u ah oo daruuf dhaqaale la dhibaateysan, misena tuug ah oo derbi jiif ah, wiil yar oo derbi jiif ila ah oo sida aan bog iyo xabad uga garaacayey iga baqa ayaw wuxuu ii yahay gacan yare, waxa uu ii soo wiideeyaa waxa aan xadi doono iyo meelaha aan ka xadi doono.

Mar aan yara shiiday baan wiilkii gacanyaraha tuuganimo ii ahaa ku iri “orod meel wax laga xadi karo soo wiidee” waa uu soo wiideeyey wax ayuu soo waayey, inta igu soo laabtay ayuu igu yiri waan soo waayey wax dayacan oo la xado. wiilkii baan bog iyo xabad u garaacay, kaddibna ku iri “wax aan xado haddii aad keeni wayso waan ku dilayaa”
Wiilkii oo oynaya ayaa igu yiri “Fikir ayaan kuu hayaa” “Haye soo daa” ayaan iri.

Kaddib waxa uu igu yiri “Dadka way wareereen, madaxtinimo iyo hoggaan la’aan ayey ku wareereen, marka boqor wax ka yar in loo noqdo ma aaminayaan, qof adiga kaaga habboon oo boqor u noqon karana ma jiro, saacaddan laga bilaabo dadka ayaan isugu kaa soo bixinayaa e ku dhawaaq in aad tahay boqorkooda, kaddibna waxaad soo rogeysaa qof walba in uu hantidiisa guriga boqorka bangiga ku yaallo soo dhigto, boqorkana dahab iyo lacag loo keeno, wayna kaa yeelayaa.”

Fikirkii waan la dhacay, wiilkii baan amray in uu hawsha isku soo dubbarido, kaddinba wiilkii hawshii wuu soo diyaariyey, waxa uu ii keenay taaj, iyo dhar qurxoon, meel uu ka keenay ma ogi, kaddib inta ii lebisay buu i horgeeyey dadkii, sidii boqor baan u soo hor istaagay dadkii, waan u qudbeeyey, waa ay ii sacbiyeen, wayna aqbaleen boqornimadeyda.

La soco qayb kale….

Waxaa Qoray: Abuukar Albadri

Hadalsame Media