SAWIRRO qarsoodi ahaa oo la qaaday Dagaalkii 2-aad ee dunida oo iminka la helay! + Sawirro naadir ah (Qaybtii 1-aad)

0

(New York) 09 Sebt 2018 – Waxaa soo baxay sawirro sir qaran ahaa oo la qaaday xilliyadii Dagaalkii 2-aad ee adduunka ama Dagaalkii Waynaa ee Yurub haddii si run ah loo sheego.

Sawirrada ayaa waxaa ka buuxa muuqaallada bambooyinkii nukliyeerka ahaa ee 1945-kii uu Maraykanku ku duqeeyay magaalooyinka reer Japan ee Heroshima & Nagasaki, kuwaasoo lagu kala magacaabi jirey ”Little Boy” iyo ”Fat Man” kuwaasoo lagu sameeyay mashruuc aad qarsoodi u ahaa (highly classified) oo la oran jirey Manhatan Project.

Haddaba, hoos ka eeg sawirrada…

Madfacii ugu waynaa ee B-17 oo lagu naanaysi jirey QALCADDA DUULAYSA
Qumbulad durriyihii ay dayuuraddii Enola Gay B-29 Bomber ku halaagtey magaalada Hiroshima
Shaqaalihii iyo duuliyayaashii Enola Gay B-29 Bomber
Bambadii ugu horreeysey taariikhda ee nukliyeer ah oo 16-kii Luulyo, 1945-kii lagu tijaabinayo lama degaanka gobolka New Mexico, Maraykanka.
Bambadii nukliyeerka siddey ee Fat Man Atomic oo lagu rarayo dayuuraddii ku riddey dalka Japan.

Hadalsame Media