NAQDIN: Muxuu hal abuurka Soomaaliyeed marka uu GABAR amaanayo GERI u sheegaa? (Qaybtii 2-aad iyo heestii Guuleed Ma Joogaa?))

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2018 – Eeg Yamyam iyo heestii ‘Guuleed Ma Joogaa.’ Geed ayuu ku matalayaa gabadhii uu ammaanayey. Dabadeed geedkii ayuu ammaan la daba galay. Waxyaabaha uu geedka ku ammaanayo qaar badan ma aha astaamo ay ammaantooda gabadha iyo geedku wadaagi karaan. In uu harkiisu neecaw leeyahay; in uu meel dugsi ah ku yaal; in aan gar eexo hoostiisa lagu naqin, in laamihiisu ay miro bislaaday la ciirayaan iyo kuwo kale.

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay sheegaan in astaamaha geedka ay si sarbeeban ama sharraxaad ka dib ah gabadhu ula wadaagi karto. Sida godad la’aanta geedka, in uusan halaqgaleen ahayn iyo in gudin nabarta iyo gacan cadow uusan ku dhicin uu ka wadi karo dhawrsoonida gabadha. Taas waxaan u arkaa in ay tahay dedaal taabsin (buundo) lagu saarayo laba gebi oo aad u kala fog, maxaa yeelay waa wax la og yahay in mu’allifku inta gabadha ka tago sheygii uu gabadha ku ammaanay ku bururo iyadiina illaawo.

Muddo dheer ka dib ayuu arkay gabadhii oo cidla taagan,kolkaas ayuu yiri “ waxa aan geedka moodayey illeyn waa adiga?!”

Xalay gelindhexaadkii
Mar aan mayrac-guuraha
Sheedda guriga faalalay
…………………………..
Oon guud haldhaa iyo
Mililicay gob weynoo
Midba goonni laamaha
Rucub miro ah gunuddoo
Gadgaddoonka raamuhu
Dhexda deri garaaro leh
Hadba gees u liicaan
Oon weli gar eexaad
Lagu naqin guntiisoo
Godin nabar u yeeshiyo
Gacan cadow ku dhicinoo
Aan halaqgaleen iyo
Inna godoad lahaynoo
Gardhadiyo caleemaha
Aaney haaddu guran Karin
Oon xididka gaarani
Dayrtoo gidaaddiyo
Gu la waayey aragoo
Gondaa rayska ku la jira
Oo hoos-galbeedkiyo
Harka gelinku bixiyaa
Neecaw gaar ah leeyahay
Oo meel gabbaadiyo
Sabo guri ku yaalloo
Leexo is-galaashiyo
Ufo garamme kiciyiyo
Dabaylaha gilgilayaa
Manka aaney goyn Karin
Kalgacayl i galay iyo
Gocashada xusuustiyo
Haybadday la gudubtoo
Naxariis indhuhu godol
Baalashii is-geliyeen
Ayaa gedefka muuqaa
Geed iiga dhigayee
Illeyn araggu waa gabar
Mase garanayee talo!

Ma aragtaa, waa aftahan e? Intii uu doono buu geedka ammaani karaa. Laakiin, eeg inta uu gabadha ka maqnaa oo geedka ku maqnaa!

La soco qayb 3-aad….

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Aadan Ciiraale

Hadalsme Media