Xukuumadda Somalia oo hanjabaad culus dirtay!

0

(Mogadishu) 13 Agoosto 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa digniin culus u diray cid walba oo ku hawlan Musuq-maasuq iyo xatooyo hanta dadweyne in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Isagoo ka hadlayey Munaasabada Maalinta dhalinyarada ayaa RW Khere carabka ku adekeeyey in xukuumadiisu aysan u dul qaadan doonin shaqsiyaadka dowladda ka tirsan ee ku fekeraya lunsashada hantida Qaranka.

“Waxaanan yeelayn in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan rabaa in aan halkaan farriin uga dirno qof waliba oo Somaliyed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil u hayo dowladda, oo ku fekeraayo inuu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin.” Ayuu yiri Khayre.

Hanjabaada RW Kheyre ayaa timid maalmo uun kadib markii wasiir kuxigeenka Arrimaha dibeda Mukhtaar Daauud shaqada looga joojiyey arrimaha la xariira musuq-maasuq, waxaana madaxda sare ee dowladdu sheegeen inay awood siinayaan hay’addaha sharciga iyo garsoorka si loola dagaalamo musuqa.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaqsiyaad kala duwan u xirtay arrimo la xiriira musuq maasuq.

Hadalsame Media