SAWIRRO CUSUB: Wefdi ka socda Eritrea oo soo gaarey Muqdisho

0

(Mogadishu) 13 Agoosto 2018 – Wefdigaan oo heerkiisu sareeyo waxaa hoggaaminaya wasiirka amuuraha dibeda ee dalka Eritrea Osman Saalax waxaana sidoo kale ka mid ah la taliyeha Madaxwayne kuxigeenka dalkaasi Yemane Ghebreab.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle ku soo dhaweeyey madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo RW Soomaaliya Xasam Cali Kheyre.

Wefdigaan ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa-Somalia halkaas oo la filayey inay kula kulmaan Madaxwayneha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxwayneha Soomaaliya ayaa dhawaan booqasho taarikhi ah ku tagay dalka Eritrea.                      

Wixii ku soo kordha booqashadan dib ayaan ka soo daabici doonaa, Insha Allaah.

Hadalsame Media