Rag & dumar yaa JACAYLKA nafta u hura? (Dood qiil wadata)

0

(Hadalsame) 05 Luulyo 2018 – Taariikhda ma ilaaweyso (Jacqueline Kennedey oo isku dayaysa inay gaariga ka booddo kaddib markii ninkeeda rasaas madaxa looga dhiftay sanadkii 1963-dii.

Way booddey iyadoo aysan cidna u socon oo qofka la beegsanayayna uu ninkeeda ahaa, jacaylka nolosheeda ayay dooratay oo kaga tagtay isagoo dhaawac xun qaba, wax aan nafteeda ahaynna kama aysan fikirin daqiiqaddaasi.

Si kasta oo uu jacaylka dumarku u waynaado ma gaarayo heer naf-hurnimo, sida uu qabo Saalimiin oo sheekadan gaaban qoray, isagoo soo daliishanaya sooyaal uu dooddiisa ku xoojinayo sida:

■ Qays wuxuu u dhintay Layla darteed!
■ Cantar wuxuu u dhintay Cabla darteed!
■ Romeo wuxuu u dhintay Julliet darteed!
■ Jack (qisadii Titanic) wuxuu u dhintay Rose darteed!

Taariikhdana laguma haayo hal gabar oo u dhimatay jacaylkeeda dartiis!!!

W; D: Saalimiin Ina Cabdulahi

Hadalsame Media