CHELSEA VS MAN CITY: Wax kasta oo aad uga baahan tahay kulanka Community Shield

0

(London) 05 Agoosto 2018 – Maurizio Sarri ayaa kulankiisii koowaad oo rasmi ah isagoo kaabbe Chelsea ah kaga hortegayo kooxda ay Blues maxalli ahaan coltamaan ee Manchester City iyagoo ku qalboobtamaya Community Shield oo ka dhacaya Wembley.

Macallinkan reer Talyaani ee jaallihiisa ah ee Antonio Conte bishi tagtay, isagoo sanadkii tegey horyaalka Talyaaniga kula legdamey kooxda Juve oo iska qaad qaadatay Serie A, isagoo SSC Napoli wata.

Wuxuuna noqon karaa macallinkii ugu horreeyay ee wata koox Premier League ka dheesha tan iyo 2013 iyo David Moyes in 2013, ee kulankiisii ugu horreeyay koob hanta, waloow uu sheegay inaysan sahlanayn. ”Waan se dhararayaa inaan Welmbley ku dheelo ciyaartaydii 1-aad,” ayuu yiri Sarri.

Laacibka baaska macaan ee Jorginho waa xiddiga shida matoorka khadka dhexe ee Blues

Macallinka City jaalle Pep Guardiola ayaa isna xiisaynaya xafiiltanka cusub ee kala dhexeeya Sarri, isagoo sheegay inuu dhaqse kula qabsan doono hannaanka Premier League – maaddaama uu laftiisu arrintaa ku dhibtooday sanadkiisii 1-aad, kahor intaan City horyaalka qaadin sanadkii tegey.

“Waan ku faraxsan ahay inuu isagu (Sarri) yimaado Premier League,” ayuu yiri Guardiola. “Wax badan baan ka baran doonaa waayo hadda todobaad dhamaad kasta waan arki karaa kooxdiisa. 3 kulan baan arkay, waana nin kooxda muddo yar u dheelsiiya sida uu doonayo.” ayuu raacshey.

MAXAA KA CUSUB KOOXAHA?

Laacibka ay Manchester City xagaagan lasoo wareegtey ee Riyad Mahrez ayaa diyaar ah, kaddib markii uu kasoo kabtay jug dhanka anqowga ah oo gaartey todobaad-dhamaadkii.

Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling ayaa ah labada laacib ee qura ee aan weli kasoo laabanin nasiinadii Koobka Adduunka, jeer uu Guardiola xaaladda jireed ka door bidayo tayada farsamo ee laacibka.

XISAABTA KU DARSO

  • Chelsea waxay doonaysaa inay Community Shield markii ugu horreeysey hanato tan iyo 2009, goortii ay 4-1 gool ku laad ah ku garaaceen Manchester United.
  • Manchester City waxaa Community Shield ugu dambaysay 2012, xilligaasoo ay isla Chelsea ku tumeen 3-2 kulan lagu dheeley Villa Park.
  • Waa kulankii 3-aad ee ay Chelsea iyo Manchester City ku ciyaaraan Wembley, waxaana guulo badan horyaallada Premier League oo kulankoodii ugu dambeeyay Abriil 2013 (2-1 uga badiyay nus-dhamaadka FA Cup).
  • 4-tii dufcadood ee ugu dambeeyay Community Shield waxaa koobkan qaadaysay kooxda sidata FA Cup, iyadoo ay Manchester United ay tahay kooxdii ugu dambaysay ee koobkan qaadday iyadoo horyaalka sidata 2013-dii.

CHELSEA (4-3-3): Caballero; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Bakayoko, Jorginho, Barkley; Pedro, Morata, Hudson-Odoi

MAN CITY (4-3-3): Bravo; Humphreys, Garcia, Laporte, Mendy; Bernardo Silva, Luiz, Foden; Mahrez, Nmecha, Sane

Ruben Loftus-Cheek played four times for England at the World Cup in Russia
Ruben Loftus-Cheek 5 kulan buu u saftay England KA2018 ee Russia

Laacibka khadka dhexe ee England, Ruben Loftus-Cheek ayaa tababarka Chelsea si buuxda ugusoo laabtay todobaadkan, halka Willian uu kasoo noqday fasaxiisii.

Callum Hudson-Odoi ayay u badan tahay inuu ka dheelo dadabka bidix ee weerar seddexleey ah, kaddib bandhiggiisii qurxoonaa ee Arsenal bartamihii todobaadka.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media