QISO QIIME BADAN: Qof cuuryaan ihi ma guulaysan karo miyaa?!

0

(Hadalsame) 04 Agoosto 2018 – Nick Vujicic waa 36 jir curyaan afarta adim ka maqantahay,misana nolosha wuxuu kagaaray guulo farabadan, waa dhiiri-geliye nololeed iyadoo hantida uu heysto ay gaareyso lacag dhan $500,000.

Nick Vujicic waxa uu ku dhashay magaalada Melbourne ee dalka Australia Sannadkii 1982-kii wuxuuna ku dhashay xanuun bini’aadamka Mar Mar dhif ah lagu arko oo loo yaqaan tetra-amelia syndrome (wuxuu dhashay isagoo ay kamaqan yihiin afartiisi adin labadii lugood iyo labadii gacmoodba )!!

Markii uu gaaray xilligii waxbarashada wuxuu la kulmay caqabad weyn iyadoo waxyar kadib markii loo ogolaaday inuu kubiiro iskuulkiina cadaadis badan uu Kala kulmay ardaydii ay dugsiga wada dhigan jireen taasna qalbigiisa waxay ku beertay cuqdad iyo walwal farabadan markii uu 10 sano jir ahaa wuxuu isku dayay inuu isdilo Markii uu ka quustay noloshaan aduunyo!!!.

Mid kamida cagihiisa aadka u dhumucda yar oo laheyd labo farood ayaa ku hogaamisey nolol hor u socod leh, wuxuu bartay sida loo isticmaalo computer ka waxaanu halkii minute-ba qori karaa 45 xaraf, sidoo kale wuxuu awood u yeeshay inuu taleefoonka ka jawaabo, inuu shanleeyo tintiisa inuu qabsado galaas biyo ah, waxuu kaloo awood u yeeshay inuu tuuro kubadda Tennis ka, wuxuu ciyaari karaa nuucyo badan oo ciyaaraha kamid ah!!

Waxa uu labo bachelor degree ah ka diyaariyay xisaabaadka iyo dhaqaalaha.

Vujicic guulaha uu gaaray waxaa kamid ah.

▪ Sannadkii 2002 wuxuu guursaday Kanae Miyahara waxaana uu dhalay afar caruur ah.

▪ Sannadkii 2005 waxa loo magacaabay abaalmarintii sanadka ee dhalinta wadanka Australia.

▪ Wuxuu aas aasay shirkad lagu magacaabo “ attitude is altitude ”

▪Wuxuu aas aasay urur lagu magacaabo “ life without limbs ”
▪ Wuxuu ku guuleystay inuu noqdo qof dadka dhiirigeliya.

Waxuu u socdaalay meelo badan oo aduunka kamid ah isagoo la hadlay 3 milyan oo qof oo ku Kala nool in kabadan 44 wadan, isagoo barayay dadka si loo xaqiijiyo riyooyinka nolosha.

Hadalladiisa waxa kamid ah: “Lacagtu ma bogsiin karto qalbigaada lacagtu kuma siin karto hadaf, marabo gacmo iyo lugo waxaan rabaa hadaf, marabo gacmo iyo lugo waxaan rabaa nabad, marabo gacmo iyo lugo waxaan rabaa in aan mucjiso u noqdo qof kale.”

Dadka ku taxan boggiisa Facebook waxay kor u dhaafaayaan 9 milyan oo qof adigu ma kamid tahay??

Dulucdu waxa ay tahay weligaa nolosha haka niyad jebin, oo noqo qof han sare leh oo dadaala mar kastana Alle talo saaro.

Qalinkii: Cismaan Cali

Hadalsame Media