Dhallinyaro ku qaraabanaysa magaca Al Shabaab oo dhac saf mar ah gaystay (Qaar la qabtay)

0

(Muqdisho) 04 Agoosto 2018 – Waa dhallinyaro aan si rasmi ah loo ogayn tiro ahaan  inta ay gaarayaan, ha yeeshee waxaa  iminka la aqoonsaday illaa iyo lix dhallinyaro.

Goobo ganacsi oo ku yaalla Yaaqshiid iyo qaybo ka mid ah Warta Nabadda ayay ka qaateen lacago doollar ah, iyagoo ku qaraabanaya magaca Al Shabaab.

Dukaan ku yaala  wadada Jeneraal Daa’uud, isla markaana ku xisaabsan Warta Nabadda ayaa laga qaatay lacag dhan $150 doollar (boqol iyo konton doollar).

Sidoo kale goobo ganacsi  oo ku yaala Yaaqshiid ayaa la xaqiijiyay in lacago laga qaatay.

Mid ka mid ah ganacsatadii laga qaatay lacagahaas oo diiday in magaciisa aan shaacino ayaa Yiri:  ”Waxaa isoo wacay wiil dhallinyaro ah oo aan codkiisa ka shakiyay wuxuuna igu yiri waa Walaalaha Mujaahidiinta” sida uu hadalka u dhigay.

Waa uu sii hadlay ganacsadahaasi:  ”Waxaa lagaa doonayaa  xaqa  taakulaynta Islaamiyiinta, sidaa daraadeed waxaa kuu iman doono dhallinyaro waa inaad lacagta u soo dhiibtaa.

“Markii aan dhiibay lacagta ayaan arintaan la kaashaday dhallinyaro kale oo xaafadda deggan, anigoo tixraacaya lambarka aan lacagta ku tuuray  waxaana soo baxday in shabakadda lacagta iga qaadatay aysan Shabaab ahayn.

“Lix  dhalinyaro ah ayaa ku lug yeelatay  barnaamijkaan, waxaana qaarkood soo fara galiyay odayaasha xaafadda maadaama falkaan ay halis ku geli karaan,” ayuu hadalkiisa ku  soo  koobay.

Dhallinyaradii fashiliyay falkaan ayaa cabsi soo food saartay, sidoo kale raggii lacagta ka qaatay  ganacsatada ayaa dhankooda ka cabsoonaya in Shabaab – oo laftooda lagu eedeeyo inay ganacsatada baadaan – ay wax yeelleeyaan.

Hadalsame Media