AC Milan oo 120m oo euro ku doonaysa Millinkovic-Savic (Rabiot iyo Kovacic oo ay sidoo kale raadinayaan)

0

(Milano) 04 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa doonaysa inay Juventus ku qabsato Milinkovic-Savic, sida ku dhigan warqaadka La Stampa, kaasoo qoraya in Leonardo ay ka go’an tahay inuu soo qaato laacibka khadka dhexe ee SS Lazio.

Maareeyaha Farsamada Rossoneri ayaa aad ula dhacsan laacibkan hibada leh ee reer Serbia, wuxuuna qorshaynayaa inuu Roma ku tago qorshe uu ku doonayo laacibkan, isagoo la diyaar ah 40 milyan oo amaah ama 20 lagu daray Bonaventura iyo 80 milyan oo uu sanadka dambe bixinayo laakiin aan waajib ahayn si la mid sida uu kusoo qaatay Bonucci, si uu ula dabaal joogleeyo dhaqaale wanaagga UEFA Financial Fair Play.

Leo ayaa kaddib markii uu adkeeyay weerarka isla markaana uu daafaca kusoo daray laacib lagu tilmaamayo mustaqbalka kubadda Talyaaniga, wuxuu usoo jeestey khadka dhexe isagoo SMS kaddib sidoo kale doonaya laacibka Rabiot, oo ah 23-jir u safta Paris Saint-Germain iyo Mateo Kovavic oo u dheela Real Madrid.

Wuxuu maalin dhowayd telefoonka kula sheekaystay Rabiot hooyadii oo sidoo kalena wakiil u ah, isagoo sidoo kale ku kalsoon inuu heli karo Kovacic maaddaama ay Real diyaar u tahay inay fasaxdo, iyadoo ay Milan haysato lacag ay ku kharash gareeyso arrintan, sida uu dhigayo Tuttosport.

Hadalsame Media