DAAWO: Ingiriiska oo hanti uu Benin ka dhacay Nigeria kula saaxiibaya!

0

(Abuja) 21 Juun 2018 – Dadka alaabooyinka taariikhiga ah xafida oo kasoo kala jeeda Maraykanka iyo Yurub ayaa waxay Nigeria kala xaajoonayaan in laga sameeyo matxad u shaqaynaya qaab carwo oo kale ah oo la dhigo agab uu Ingiriisku horay uga xaday dalka Benin.


Agabkan taariikhiga ah oo ay sanadkii 1897-kii dalka Benin ka bililiqaysteen ciidamada Britain ayaa ka samaysan macaadinta naxaasta ah ee inta badan laga sameeyo taallooyinka.

Dowladda Nigeria ayaa haatan wada xaajood meel wanaagsan maraya kula jirta UK si loosoo celiyo taallo naadir ah oo ka samaysan naxaas, taasoo uu qarni kahor xaday Ingiriisku.

Yeelkeede, sheekadu ma joogto soo celin dhamaystiran oo Nigeria waa la amaahinayaa oo qura, waxaa dheer in Nigeria aanay ahayn dalkii markii hore laga qaatay taalladaasi.

Hadalsame Media