RW Kheyre: “Dad baa jira dano gaar ah leh”

0

(Muqdisho) 21 Juun 2018 Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  oo faahfahin ka bixinayey is-afgaradkii ay gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku eedeeyey dad dano gaar ah leh inay siyaasadeynayaan islamarkaana carqaladeynayaan sida uu yiri “Geedi-socodka dhismaha dowladnimadda Soomaaliyeed”.

 

Isagoo tixraacayey heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhawaan dowladdiisu la gashay Itoobiya ayuu sheegay Mr. Kheyre inaysan jirin wax heshiis rasmi ah oo dhexmaray labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya, hase ahaatee waxa ay dhacay ay yihiin is-afgarad ku meel gaar ah oo ku saabsan iskaashiga labada dowladood iyo in la bedelo waayihii colaada gobolkana loo hor seedo xasilooni iyo horumar.

“Waxaa jira dad dano gaar ah leh oo ujeedkoodu tahay inay siyaasadeeyaan wax walba iyagoo ka soo horjeeda dowladnimadda Soomaaliya” ayuu yiri Mr.Kheyre oo ka hor hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Norway.

Ra’iisal Wasaareha ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in Dekaddo ku yaala Soomaaliya la siiyey Itoobiya waxaana uu sheegay in Dekadduhu ku yaalaan Soomaaliya, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed iska leeyihiin.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayuu sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho kadibna ay soo saareen war-murtiyeed khuseeya kulankooda, balse halkaasi uusan ka dhicin wax heshiis ah rasmi ah.

“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo wax walba siyaasadeeya, si ay u carqaleedaayaan dowladnimada, maalmahan waxaan maqlayay in heshiis lala galay dowladda Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama gelin Itoobiya, ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa inoo yimid, waan soo dhaweynay, shirkii markuu idlaaday war-murtiyeed baa ka soo baxay, kaas oo ah in dhaqankii hore wax laga bedelayo, dekeddo aan bixinay ma jiraan, dekedaha shacabka Soomaaliyeed baa iska leh.” ayuu Mr. Kheyre.

Hadalsame Media