KU KOBCI KASKAAGA: ”Anigu waxaan ahay wiilka oday alwaax jare ahaa lkn gabadhaydu….” – Bil Gates

0

(Seatle) 21 Juun 2018 – Kaddib markii ay raashinka dhamaysteen, wuxuu adeegihii siiyay 5 doollar oo baqshiis ah…Adeegihii ayaase dareen la yaab leh baqshiiskaa ka muujiyay.

Gates oo dareemay inuu saluug jiro baa ogaal waydiiyay: ”Maxaa dhacay?”

Adeegihii ayaa yiri: ”Waan yaabay uun, waayo isla miiskan gabadhaada ayaa baqshiis ahaan ii siisay 500 oo doollar, adiga oo aabeheed ah, ninka aadduunka ugu taajirsanna, waxaad soo taagtey 5 doollar”.

Gates ayaa inta muusooday ugu war celiyay: ”Iyadu waa gabadha ninka dunida ugu taajirsan, balse anigu waxaan ahay wiilka oday alwaax jare ahaa”.

Dulucda sheekada: Marna ha ilaawin beryihii kusoo maray, waa barahaaga ugu bilan.

 

Hadalsame Media