SIR FAKATAY: Dalka Imaaraadka oo iminka la ogaaday inuu 30 sano ku dhowaad xiriir qarsoodi ah la lahaa Israel

0

(Washington DC) 13 jUUN 2018 – Dalalka Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay si hoose u wada hadlayeen tan iyo 1990-kii, sida uu shaaciyay warsidaha New Yorker.

Warkan ayaa kashifaya in labadan dal ay daaha gadaashiisa ku wada shaqaysanayeen muddo dheer, kuwaasoo loogu gogol xaarayay in ay xiriir toos ah marka dambe yeeshaan, waxayna shirar badan oo qarsoodi ahaa ku galeen magaalada Washington D.C kaddib heshiiskii Oslo Accord.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah mar ay Imaaraadku doonayeen inay dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee F-16 kasoo iibsadaan Maraykanka, goortaasoo ay Maraykanku ka walaacsanaayeen inay arrintaa ka hor timaaddo Israel, waxaana markii dambe arrintaa ka wada hadlay danjirihii Yuhuudda xilligaa u joogey Washington, Jeremy Issacharoff.

Wuxuu xiriirka labada dhinac xoogaystey 1994-kii, markaasoo ay Maraykanku caawinayeen Jamal S. Al-Suwaidi, oo ah aqoonyahan Imaaraati ah oo sameeynayay hay’ad ay maalgeliso dowladda Imaaraadka oo lagu daraasadeeyo umuuraha istaraatijiga ah (Emirates Centre for Strategic Studies and Research).

Hay’addan ayaa noqotay hilin si toos ah iskugu xira Al-Suwaidi iyo danjire Issacharoff oo si joogto ah iskugu arkayay Washington. Sarkaal hore oo arrintan ku dhow dhwo ayaa u sheegay New Yorker “in kulamadan oo dhami qarsoodi ahaayeen, oo aysan rasmi ahayn” si ay labada dalba u dhihi karaan “weligeen ma kulmin”.

Warkan ayaa kusoo beegmaya jeer uu warsidaha reer Israel ee Haaretz shalay qoray in Imaaraadka iyo Israel ay kulan qarsoodi ah dhowaantan ku yeesheen gasiiradda Qubrus iyagoo ka arrinsanaya hubka nukliyeerka Iiraan iyo amaanka gobolka Bariga Dhexe.

Hadalsame Media