”Marna ha isku deyin inaad noo sheegto shaqadeenna” – Wiilka uu sodogga u yahay u yahay Trump oo….

0

(Washington DC) 13 Juun 2018 – Mid ka mid ah la taliyayaasha madaxwaynaha Maraykanka waa wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner waxaana mas’uuliyadihiisa ku jirta geeddi socodka dhagax kariska ah ee nabadda Bariga Dhexe, misna waloow uu yahay nin aad ugu debecsan Yuhuudda oo uu asal ahaan laftiisu kasoo jeedo — RW Benjamin Netanyahu ayaa xitaa mar gurigiisa seexday — misna xiriirka labada dhinac had iyo goor ma hufnayn.

Kushner ayaa mar la sheegay inuu luuqad aflagaaddo ah u adeegsadey inuu canaanto Danjiraha Yuhuudda u fadhiya Maraykanka ee Ron Dermer oo uu ku eedeeyay inuu tillaabo dheeri wado marka ay timaaddo sida uu ula macaamilayo Maraykanka.

Febraayo 13, 2017, oo ku beegan maalintii Michael Flynn laga eryey shaqada la taliyaha amaanka qaranka, Dermer ayaa la sheegay inuu Aqalka Cad yimi isagoo sita dokumentiyo sir ah oo uu saxiix uga doonayay madaxwayne Trump, waxayna ku saabsanaayeen in aan Israel waxba laga waydiin karin barnaajimkeeda nukliyeerka sida ay madaxwaynayaasha kale ee Maraykankuba u yeeli jireen.

Dermer ayaa codsaday inuu si gaar ah ula kulmo Flynn, taasoo ka caraysiisay Kushner oo dareemay in laga faa’iidaysanayo oo si cad wax loogu yeerinayo.

Mar buu xitaa, isagoo ay dad kale la joogaan, Kushner aad u canaantay Dermer oo ay wada joogeen qaybta West Wing ee Aqalka Cad, isagoo u sheegay in uusan waxba ugu qabanayn kaliya inay Yuhuud isku yihiin. “Nooma sheegi kartid sida aannu howlaha u kala wadeeyno,” ayuu ku yiri Dermer. “Hanna riixin. Hana na mashquulinin.” ayuu u raaciyay isagoo caraysan.

Dermer oo uu arrintan hordhigay New Yorker ayaa sheegay in aanu xusuusanin wax kasta oo uu Kushner yiri. “Xiriir wanaagsan baan la leeyahay Jared, balse had iyo goor wax kasta iskuma raacno.” ayuu sheegay.

Hadalsame Media