Taariikhda maadyahanka ama shactiroolaha Amadi/Johnny Lever

0

(Mumbai) 13 Juun 2018 – Johnny Lever/Amadi waa actor hindi ah, wuxuu dhashay 07-01-1950 kuna dhashay gobolka (Andhra Pradesh), ee dalka India,  balse wuxuu ku soo koray magaalada Mumbai.  Johnny Lever/Amadi waa actor Shactiroole ama Majaajiliiste ah wuxuu wax kabartay (Andhra Telugu School) ilaa Fasalka todobaab, laakiin masii wadan wax barashadiisii dhaqaalo dari awgeed, kadib wuxuu isaga tagay waxbarashadiisa wuxuu bilaabay in uu kashaqeeyo Mehrado kala duwan.

Amadi ayaa wadooyinka Mumbai ku iibin jiray Qalimada isaga oo iska yeel yeelaya sida jilaayada Bollywoodka caanka ka ah, wuxuu wadada ku qaadi jiray heeso kala duwan oo dadka soo jiitay. Kadib wuxuu Amadi u dalacay inuu noqdo shactiroole run ah asaga oo iska dhigaya sida (Johnny Walker, Kishore Kumar iyo  Mehmood) oo xiligaa caan ku ahaa xaga jiliinka.

Amadi wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay asaga iyo Aabihii Warshad  lagu magacaabo (Hindustan Lever’s factory), markii uu ka shaqaynayay warshadaan Amadi ayaa samayn jiray majaajilo ay jeclaysteen shaqaalaha warshada. Maalin ayaa mid kamid ah shaqaalaha warshada Amadi kacodsaday in uu ka qosliyo,  maalinkaas wixii ka dambeeyay Amadi wuxuu labaxay magaca “Johnny Lever”.

1980 Lever/Amadi ayaa soo saaray Albumkiisii shactirada ahaa ee lamagac baxay (Hansee Ke Hungame), kaa oo hit ka noqday dalka India iyo Caalamka, samaynta Albumkaan, Amadi ayaa kahelay magac, isla xiligaan ayuu jilaaga sameeyay majaajilooyin kale sida (Kachua chhap), oo uu director ka ahaa Shekhar Kapoor.

Johnny Lever/Amadi, ayaa uu sameeyay Filmkiisii ugu horreeyay sanadkii 1984-kii wuxuuna ahaa (Dard Ka Rishta), kadib jilaaga ayaa sameeyay filmkiisii (Jalwa) oo uu lasameeyay Nasrudiinshah, laakiin Filmkii  u ugu jiliinka fiicnaa xiligaas wuxuu ahaa Baazigar.

Johnny Lever/Amadi ma aha kaliya actor sidoo kale waa hogaamiyaha Barnaamijka (CINTAA), kaa oo laga soo daayo channel ka Star Plus. Sidoo kale wuxuu hogaamiye kayahay parnaamijka (MAAM). Amadi waxa uu kasoo muuqday Channel ka Zee TV, iyo kumanaan Barnaamij oo live ahaa.

Amadi ayaa sameeyay in kabdan 350 film, waxaa loo magacaabay Best Comedian Category ilaa 13 filmfare, wuxuuna ku guulaystay abaal marintaan laba goor. Filmkiisii ugu horeeyay ee Tamil ahaa waxa uu sameeyay 2011, sidoo kale jilaaga ayaa matala film Telugu ah oo lagu magacaabo Criminal.

Amadi Xaaskiisa waxaa lagu magacaabaa  (Sujatha), waxa uu qabaa wiil iyo gabar, Gabadha waxaa lagu magacaabaa (Jamie), wiilkana (Jesse). Amadi walaalkii sidoo kale waa Shactiroole.

Johnny Lever/Amadi  Abaal marinada uu ku guulaystay waxaa kamid ah:

Ugu dambayntii Johnny Lever/Amadi Magaciisa asalka ah waa “Johnny Rao” Diintiisa waa Christian, waxa uu ku hadlaa Hindi iyo English. Filimada uu sameeyay waxaa kamid ah.

(Deewane Huye Pagal, Ek Haseena Ek Deewana, Padmashree Laloo Prasad Yadav, Hatya, Meri Biwi Ka Jawaab Nahin, Janasheen, Market, Koi Mil Gaya, Chalte Chalte, Andaaz, Indian Babu, Kucch To Hai, Chalo Ishq Ladaaye, Karz, Ankhiyon Se Goli Maare, Humraaz, Awara Paagal Deewana, Tumko Na Bhool Paayenge, Yeh Dil Aashiqanaa, Aamdani Atthanni Kharcha Rupaiya, Kabhi Khushi Kabhie Gham, Ajnabee, Lajja, Asoka, Nayak, Chori Chori Chupke Chupke, Aashiq, Farz, Raju Chacha, Beti No.1, Shikari, Fiza, Hamara Dil Aapke Paas Hai, Tera Jadoo Chal Gayaa, Deewane, Joru Ka Ghulam, Hum To Mohabbat Karega, Dil Hi Dil Mein, Hadh Kar Di Aapne, Badal, Phir Bhi Dil Hai Hindustani, Dulhan Hum Le Jayenge, Kaho Naa… Pyaar Hai, Mela, Krodh)

W; D: Mohamed Ahmed Sheikh

Hadalsame Media