DAAWO: Ruushka oo sameeyay hub laayaan ah oo uusan jirin dal kale oo haysta!!

0

(Moscow) 07 Juun 2018 – Madaxwaynaha Ruushanka ee Vladimir Putin oo dadka u qabanayay kulanka sanadlaha ah ee ay dadku su’aalaha ku waydiiyaan ayaa dunida uga yaabsaday hub kala duwan oo casri ah oo uu sheegay inay sameeyeen Ruushku.

“Hannaanka Kinzhal – oo ah gantaalo leh awoodda Mach-10 ama 10 jeer guuxooda ka dheereeya – durba waxaa loo qaybiyay ciidamadeenna jooga Koonfurta Ruushka,” ayuu yiri Putin. “Laysarka staraatijiga ah ee lagu dagaallamo ayaa isna howlgalay.” ayuu raaciyay.

Mig-31 sida gantaalka Kinzhal ee hypersonic-ga ah

Intaa oo qura ma ahane – hannaanka hypersonic-ga ah ee Avangard oo xambaari kara gantaalaha nukliyeerka ah iyo Sarmat ICBM – ayaa iyaguna howlgeli doona 2019 iyo 2020 sida ay u kala horreeyaan.

Kaaga darane hannaanka Avangard waa rikoodh jebis, waayo waa Mach-20 oo 20 jeer buu guuxiisa ka dheereeyaa, taasoo mustaxiil ka dhigaysa inuu iska difaaco hannaan kasta oo daafaca cirka ah, waxaa intaa dheer inuu ka leexleexan karo gacannada ay wax ka arki karaan satelite-yada iyo raadeerrada. “Ilama aha inuu jiro dal kale oo samayn doona hub la mid ah Avangard. Xitaa haddii ay dhacdo mustaqbalka fogna nama dhibi doono, waayo waaba haysannaa,” ayuu ku faanay Putin.

Halkan hoose ka daawo Avangard-ka….

Ruushka oo beryahan soo ceshanaya qiyamkii uu ku lahaa cududda millateri ee caalamka oo luntay kaddib burburkii Soofiyeetka, ayaa sidoo kale sameeyay drone gujis ah oo halis ah iyo gantaalo gees ka gees gaari kara bartilmaameed kasta oo caalamka ah, waxaa dheer nukliyeerka ay ugu magac dareen Satan 1 oo awood u leh inuu hal mar dhulka dhigo hal dal oo idil.

Avangard (oo sidoo kale loo yaqaan Objekt 4202, Yu-71 iyo Yu-74)

Hadalsame Media