WAR CUSUB: Arrin ay sameeyeen Netanyahu & Macron, horayna loogu arkay Trump, Boqor Salmaan & Siisii oo ”fal shaydaan” lagu tilmaamay!

0

(Paris) 07 Juun 2018 – Wararkii beri dhowayd la isla dhex marayay ayaa markale soo laabtay kaddib markii ay markale ku celiyeen Wasiirka 1-aad ee Yuhuudda ee Benjamin Netanyahu iyo madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron oo lasoo sawiray iyagoo nal aad u ifaya oo wareegsan gacmaha mar qura ku wada haya.

Arrintan aan micneheeda weli si saaxi ah loo fahmin ayaa dhacaysa sanad kaddib markii ay sidan oo kale sameeyeen madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump, Boqorka Sucuudiga ee Salmaan iyo madaxwaynaha Masar ee Abdel Fattah al-Sisi, taasoo ay dadka baraha bulshadu ku sheegeen sixir iyo fal shaydaan.

Netanyahu ayaa Paris u yimi kulanka madaxwaynaha Faransiiska ee Macron oo uu ku shidayo heshiidka Iiraan, wuxuuna intii uu joogay ka qayb galay 70-guuradii kasoo wareegtay asaaska dowladda Israel.


Xafladda oo ka dhacday qasriga Grand Palais, ayaa lagu furay barnaamij is dhexgal dhanka dhaqanka ah oo dhexmara Israel-France, waxaana arrimihii dhacay ka mid ahaa nalka gacmaha mar qura la saarayo iyadoo la eegayo salka nalka, waana dhacdo ku cusub siyaasadda caalamka.

Haddaba bulshada Twitterati-ga ah ayaa arrintaa fasiraado kala duwan ka bixiyay, la yaabna malaha inay hal dhinac u bateen taasoo ah inay arrintan ku sheegaan fal shaydaan, khuraafaad, falaanful iyo sixir.

Hadalsame Media