Europa League oo astaan cusub yeelanaysa fasalka soo aaddan + Muuqaal & Sawirro

0

(Nyon) 30 Maajo 2018 – UEFA ayaa soo saartay astaan cusub oo uu doono tartanka Yurub ugu ballaaran ee UEFA Europa League oo ay ka qayb qaataan 48 naadi, iyadoo sheegtay in astaanta cusub oo muusig cusub wadataa ay ka turjumayso ballarka iyo kala fogaanta juqraafi ee kooxaha ka qayb gelaya tartanka EL.

Calaamadda cusub oo ayay ka muuqdaan astaamo ay UEFA sheegtay inay ka turjumayaan dareenka cusub ee uu qofku yeelanayo guul iyo guul darraba iyo isbiiritka nool ee ciyaarta taasoo ka tarjumaysa in la wadaago dhib iyo dheefba, taasoo sida la yiri hayb aan la ”saadaalin karin” siinaysa EL.

Astaantan cusub ayaa dhaqan gelaysa isla fasal-ciyaareedka soo aaddan ee 2018-19.

Hadalsame Media