CIYAAR SIRDOON: Weriye Talaadadii ”la khaarajiyay” oo maanta soo baxay!!! (Sirdoonka Ukraine oo 2-0 diray midka Ruushka)

0

(Kiev) 30 Maajo 2018 – Weriye Ruushan ah oo aad u dhaliila nidaamka Kremlin ayaa maanta marqura kaamarooyinka soo hor istaagey, saacado uun kaddib markii ay Ukraine sheegtay in la diley isla markaana ku eedaysay dowladda Ruushka.

Shirka jaraa’id ee uu weriyahani kasoo muuqday, madaxa sirdoonka Ukraine ayaa ka sheegay inay jileen dilka weriye Arkady Babchenko si ay u fashilaan isku day ay weriyaha ku khaarajin rabeen sirdoonka Ruushka ee ku sugan Kiev.

Mr Babchenko ayaa sanadkii tegey uun usoo guurey magaalada Kiev ee caasimadda Ruushka kaddib markii sida la yiri ay dil ugu hanjabtey dowladda Moscow.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan idinka raalli geliyo arrintan la idinku wada khasbay inaad u waaya joogtaan,” ayuu yiri Mr Babchenko oo nin khajilsan u muuqda isla markaana uu garab fadhiyo madaxa sirdoonka Ukraine ee Vasyl Hrytsak.

Mr Hrytsak ayaa xaqiijiyay in ”dilka” Mr Babchenko — oo weliba si caalamiyan ah loo cambaareeyay — loogu tala galay in lagu dago qofkii loo diyaariyay khaarajiska weriyahan oo iminka la qabtay, iyagoo sheegay inay laba bilood arrintaa diyaarinayeen.

Arrintan ayaa ahayd sir aad u culus, ilaa xad aan loo sheegin xitaa xaaska Mr Babchenko ee Olga iyo xitaa 6-da carruur ah ee ay korsadaan, waxaana Talaadadii ay xaaska Mr Babchenko aragtay ninkan oo ”dhiig baxaya” kaddibna waxay wacday dhoolli ama aambalaas, balse waxaa loo sheegay inuu ninkeedu dhintay intii jidka lasoo socdey, taasoo ah sheeko ay booliisku dhiseen.

“Olechka, waa ka xumahay, balse dookh kale iima furneeyn,” ayuu Mr Babchenko oo raalli gelinaya xaaskiisa. “Waa ka xumahay xaaladda aan ku geliyay.” ayuu raacshey.

Mr Hrytsak, madaxa sirdoonka Ukraine ayaa sheegay in dhiggooda Ruushku ay $40,000 oo doollar ku bixiyeen dilka Mr Babchenko oo noqon lahaa ninkii 4-aad ee lid ku ah taliska Kremlin-ka ee lagu khaarajiyo Kiev labadii sano ee tegey oo qura.

Hadalsame Media