JUG DHAQAALE: Hindiya & Iiraan oo dhinac maraya doollarka Maraykanka!

0

(Delhi) 30 Maajo 2018 – India ayaa lasoo werinayaa inay saliidda Iiraan ku iibsan doonto lacagteeda rubee-ga ah, si ay labada dal ugu gooyaan cadaadiska dhaqaale ee uu Maraykanku saarayo Tehraan, sida uu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka Sputnik.

Heshiiskan cusub, waxaa lacagta ay Hindiya ku iibsanaydo saliidda Iiraan lagu shubi doonaa bankiga ay Hindiya maamusho ee UCO Bank, kaasoo amaan ka ah saamaynta Maraykanka.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay inay yagleelaan hannaan badeecooyinka iyo adeegyada la isku bedelanayo halkii lacag iwm laga adeegsan lahaa, si looga siraad koro cuna-qabataynta Maraykanka.

Wasiirka Arrimaha dibedda Iiraan ee Mohammad Javad Zarif ayaa todobaadkan booqasho ku tegey Hindiya, halkaasoo uu kulamo kula qaatay dhiggiisa Sushma Swaraj, waxayna laba dhinac ka wada hadleen inay sare u qaadaan xiriirka ka dhexeeya gaar ahaan dhinacyada bankiyada, tamarta, ganaciga, caymiska, daabulitaanka badeecooyinka, adeegsiga lacagohooda maxalliga ah iyo mashruuca wayn ee xadiidka tareenka ee Chabahar-Zahedan.

Wasiiradda Swaraj ayaa sheegtay in Hindiya ay iska indha tiri doonto cuna-qabataynta Maraykanka. “India waxay kaliya waafiqi doontaa cuna-qabataynta QM ee ma raaci doonto mid uu leeyahay dal gaar ah,” ayay yiri Swaraj.

Iiraan waa dalka 3-aad ee ugu ballaaran dalalka saliidda u dhoofiya Hindiya, iyadoo dalkaasi kasoo iibsatey saliid dhan 27.2 milyan oo tan oo saliid ah sanad-dhaqaaleedkii tegey ee ku ekaa Maarso 2018. Waa koror rikoodh jebis ah oo ka dhigan 114 boqolkiiba.

Hadalsame Media