Warka Stephen Ross la xiriirinaya iibsiga AC Milan oo isa soo taraya!

0

(Miami, Florida) 26 Maajo 2018 – Kooxda AC Milan oo horay loogu diidey heshiis isdiris ah oo ay la geli lahayd UEFA ayaa misna laga diidey midkii xeer-jajabka ahaa taasoo furtay dood badan iyadoo ay saxaafadda Talyaaniga qaarkood xitaa qorayaan in UEFA ay ku jiifto Talyaaniga, maaddaama aysan arrintan oo kale horay u dhicin marka la eego duruufaha kiiska ku xeeran.

Milkiilaha Milan ee Yonghong Li ayaa looga fadhiyaa inuu Oktoobar ka hor bixiyo 303 milyan oo euro oo ay ku leedahay Elliott Management Corporation, iyadoo haddii kale ay Milan la wareegayso Elliot oo ka iibinaysa qofkii ugu qiima sarreeya qaab xaraash ah.

Yeelkeede, Corriere dello Sport, ayaa waloow ay beeninayaan milkiilayaasha Chinese-ku wuxuu qorayaa inay isa soo tareeyso xiisaha maalqabeen la yiraahdo Stephen Ross oo doonaya inuu iibsado saamiga ugu badan AC Milan.

Maalqabeenka Maraykanka ah ayaa sidoo kale iska leh kooxda kubadda kolayga ee Miami Dolphins isagoo ku fadhiya adduun dhan $7.4 bilyan oo doollar, isagoo ku dadaalaya in heshiiska lasoo afmeero dhamaadka sanadkan 2018.

​​Ross ayaa qorshihiisu yahay inuu ku faraq xirto bankiga wayn ee caalamiga ah ee international Goldman Sachs oo durba bilaabay inuu la socdo xaaladda Milan, si loo maalgeliyo kooxda Milan, isagoo doonaya inuu sameeyo isbedel dhan walba ah, min maamulka ilaa dhismaha garoon cusub oo ay kooxdu yeelato si loosoo nooleeyo qabkii dhacay ee kooxdan oo ka mid ah kuwa ugu waawayn Yurub iyo caalamka.

Hadalsame