XOG: Chelsea Oo Wadahadallo London Kula Yeelatay Wakiillada Maurizio Sarri – Maxeyse Isla Garteen?

0

Sida ay soo warinayaan wabaahinta Ingiriiska kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaneysa iney la heshiiso tababarahii isaga tagay shaqada Napoli ee Maurizio Sarri iyadoo la damacsan iney ku badasho Antonio Conte.

Sida xogta lagu baahiyay Bbues waxey jimcadii kulan London kula yeelatay wakiilo ka socda Sarri kuwaas oo soo gaaray UK, waxaana lagu wadahadlay in macalinka reer Italy uu saxiixo ugu yaraan laba sano oo heshiis ah.

Sheekadaan ayaa imaaneysa xilli maamulka Chelsea aysan wali go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalka Antonio Conte kaas oo diiday inuu iska casilo xilka tababaranimo ee kooxda si uu u helo magdhawga heshiiskiisa oo dhan 9 Malyan oo Pound.

Conte ayaa la rajeynayaa inuu isaga tago Stamford Bridge kadib laba sanadood oo uu kooxda u hogaamiyay koobabka Premier League iyo FA Cup.

Sheekadaan waxey ka dhigan tahay in Chelsea aysan haatan wax damac ah ka laheyn tababarahii hore Barcelona Luis Enrique kaas oo isna si weyn loola xiriirinayay kooxdaan.

58-jirkaan reer tayaani wuxuu dhawaan diiday heshiis cusub oo ay ka dalbadeen maamulka Napoli taasoo keentay in gabi ahaan uu isaga tago badalkiisana loo magacaabo Carlo Ancelotti oo dib ugu laabtay talyaaniga.