Xaaxeeyo lagu tallaalay xusuusta mid kale (Arrintan oo lagu dawayn karo cudurro halis ah)

0

(Los Angeles) 26 Maajo 2018 – Koox culimo saynis ah ayaa la sheegayaa inay ku guulaysteen wax marar badan khiyaali loo arkayay oo ah in xusuus la guuriyo, kaddib markii ay sidaa ku sameeyeen laba xaaxeeyo (snail).

Saynisyahannada ayaa dhowr 10 sanaale arrintan daraasadeeynayay, balse iminka ayay ku guulaysteen in ay hidde-sidaha loo yaqaanno RNA kasoo qaadaan xaaxeeyo iyagoo ku tallaalay mid kale.

Prof David Glanzman, oo ka mid ah ragga daraasadda sameeyay kana tirsan University of California, Los Angeles (UCLA), ayaa sheegay in ay natiijadani la mid tahay sidii buu yiri in “aannu xusuus tallaalnay”.

Labada xaaxeeyo ayaa mid waxaa loo tababaray inuu sameeyo is difaac, halka kan kale aanu lahayn astaamahaa, deetana waxaa lasoo qaaday RNA-dii midkii la tababaray oo lagu tallaalay midkii kale, wuxuuna u dhaqmay sida midkii la tababaray.

Sida uu dhigayo eNeuro, tillaabadan ayaa jidka u xaari doonta in la daweeyo dadka ay xusuustu ka lunto, iyadoo la sheegayo in hida-sidka RNA (ribonucleic acid) oo ah molikiyuul sida waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin barotiinno aasaasi ihi ay arrintaa gacan wayn ka gaysan karto.

Saynisyahannada ayaa sheegay in ay maanso taabsiiyeen xaaxeeyo badeedka nooca loo yaqaanno Aplysia californica oo aan horay ugu diyaarsanayn wax is difaac ah, balse ay bacoosheedii ku noqotay markii lagu tallaalay xusuusta xaaxeeyo kale oo tababaran.

Cilmi baarayaasha ayaa tillaabadan u arka mid loo qaaday dhanka xal u helista dadka ku xusuus beela cudurro ay ka mid yihiin Alzheimer’s, Dementia ama bugtada post traumatic stress disorder (PTSD).

Hadalsame