Inter Milan oo wada doonaysa Radja Nainggolan & Nicolo Barella

0

(Milano) 25 Maajo 2018 – Inter Milan ayaa sida lasoo werinayo wada xaajood la furtay laacibka khadka dhexe ee AS Roma ee Radja Nainggolan iyo dhiggiisa Cagliari ee Nicolo Barella, oo hal wakiil wadaaga.

Sida ku dhigan Gazzetta dello Sport, agaasimaha isboortiga ee Inter jaalle Piero Ausilio ayaa kulan la qaatay wakiil Alessandro Beltrami – kaasoo wada metela Nainggolan iyo Barella – Khamiistii shalay ahayd.

Yeelkeede, warsidaha ayaa ka digey in Nerazzurri looga baahan yahay in diyaariso €40m oo euro dhamaadka Juun, kahor inta aysan tilaabo kale qaadin.

Laacibkan Belgian-ka ah ayaa muddo dheerba lala xiriirinayay Inter, maaddaama uu kasoo hoos shaqeeyay Luciano Spalletti oo ay wada joogeen Roma, halka 21-jirkan Barella loo arko mid ka mid ah xiddigaha haatan soo baxaya ee kubadda Talyaaniga.

Hadalsame