Chelsea oo 40 milyan + Morata ku raadinaysa Mauro Icardi

0

(Milano) 25 Maajo 2018 – Warbaahinta Talyaaniga iyo Spain ayaa isku raacsan war sheegaya in Chelsea ay Alvaro Morata oo la raaciyay €40m oo euro ay u bandhigayso Inter Milan oo ay ka doonayso qannaaska Mauro Icardi.

Morata ayaan si wanaagsan ula qabsanin London waxaana maalmihii dambe lala xiriirinayay inuu kusoo laabanayo Juventus, kaddib markii la arkay isagoo Milano kulan kula lahaa agaasimaha ciyaaraha Juve ee Fabio Paratici.

Yeelkeede, sida ay faafinayaan Cadena Ser iyo Il Messaggero wuxuu laacibku u shiraacanayaa jiho kale oo isla Serie A ah, iyagoo sheegaya in Chelsea ay la diyaar tahay Morata + €35-40m si ay Icardi uga soo qaataan Inter.

Icardi ayaa rikoodho badan ku jebiyay waayihiisa San Siro isagoo gooldhalinta Capocannoniere fasalkan 29 gool ku qaaday Serie A isagoo uu wehlinayo qannaaska Lazio ee Ciro Immobile.

Wuxuu caadiyan 107 gool ka dhaliyay 182 kulan oo rasmi ah oo uu u saftay Inter, isagoo guud ahaan 110 gool ka dhaliyay Serie A 190 ciyaarood, welina waa 25 jir uun.

Hadalsame Media