Xuquuq kasta waajibaad baa la socda! (Qiso micne xambaarsan)

0

(Hadalsame) 24 Maajo 2018 – Hoggaamiyihii Muslimiinta (Amiirkii Muuminiinta) ee Cumar Bin Khaddaab, Alle ha ka raalli noqdee’ ayaa maalin maalmaha ka mid ah u yeeray nin ka mid ahaa masuuliyiintii goballada ay dawladda Islaamku ka koobnayd xukumayey, waxa aanu weydiiyey, “Haddii laguu keeno ruux tuug ah, maxaa aad ku samayn lahayd?” Masuulkii maba uu la waaban jawaabta ee waxa uu Amiirka muuminiinta ku yiri, “Gacanta ayaa aan jari lahaa”

(Hadalsame) 24 Maajo 2018
(Hadalsame) 24 Maajo 2018

Cumar Bin Khadaab oo su’aasha xikmad wax u sheegid, iyo digniin uga jeeday ayuu ugu jawaabay, “Haddaba, Aniguna adiga ayaan gacanta kaa jarayaa, haddii qof ka mid ah dadka aan madaxda kaaga dhigay ii yimaaddo, isaga oo gaajaysan ama dhibaato kale haysato, (Dhibaato ay tahay in dawladdu wax ka qabato)”

ga jeeday ayuu ugu jawaabay, “Haddaba, Aniguna adiga ayaan gacanta kaa jarayaa, haddii qof ka mid ah dadka aan madaxda kaaga dhigay ii yimaaddo, isaga oo gaajaysan ama dhibaato kale haysato, (Dhibaato ay tahay in dawladdu wax ka qabato)”

Cumar Bin Khadaab Alle ha ka raalli ahaado e’ isaga oo sharraxaya sababta uu sidan u yeelayo ayaa waxa uu masuulkan ku yiri, “Alle waxa uu uumiyihiisa masuul inooga dhigay, in aynu gaajadooda daboolno, cawradooda asturno, xirfadna u abuurno. Haddii aynu intaas u qabanno, waa aynu ka kasbannay mahadnaqeeda.

Gacmahan waxa uu Alle u abuuray in ay shaqeeyaan, haddii ay wanaagga iyo u hoggaansamidda Alle shaqo ka waayaan, macsiyada iyo xumaanta ayey shaqooyin ka helaan”.

Haboonaan laheydaa madaxda dalalka muslimka ee waqtigan taliya in ay ku daydaan xukun wanaagii (Amiirkii Muuminiinta) Cumar Bin Khaddaab, Alle ha ka raalli noqdee waxaase ay ku dhaqmaan mid taa kasoo horjeeda iyadoo in ay wax u qabtaan iska dhaafe dadka ay xukumaane xoolaha ummadda ay laheyd ayey boobaan dulmi joogta ahna waa kula kacaan.

Hadalsame

handyhullen zum umh盲ngenview it now

Hadalsame

Hadalsame
Hadalsame