Muxuu yahay mowqifka ku aaddan xabbad joojinta ee 5-ta dal ee leh Diidmada Qayaxan ee shirka socda (3 taageersan, mid labac labac wada & Mid diiddan)

0

(New York) 08 Dis 2023 – Waxaa Golaha Ammaanka hor yaalla qaraar lagu doonayo in xabbad joojin deg deg ah looga sameeyo Marinka Gaza oo la duqaynayo muddo 2 bilood ka badan, kaasoo ay keeneen 82 dal.

Waxaa sidoo kale wada xaadir ah 15-ka dal ee ku jira Golaha Ammaanka kaddib markii uu deg deg iskugu yeeray Xoghayaha Guud ee QM oo dhaqangeliyey qodobka 99-aad ee ugu adag QM maalintii Arbacadii.

Haddaba, 5-ta dal ee leh Diidmada Qayaxan ayaa loo baahan yahay inaysan fiito saarin dhammaan shantoodu, balse sida muuqata taasi ma dhici doonto, marka la eego moowqifka uu hormariyey Maraykanka oo sheegay inaysan soo jeedinayn wax xabad joojin ah, taasoo ka dhigan inuu fiitayn doono qaraarka soo socda.

Dalka Ingiriiska ayaa isna si labac labac ah u hadlay isagoo dhaliilay duqaymaha aan kala sooca lahayn iyo xasuuqa aan la xamili karin ee ka soconaya Marinka go’doonsan ee Gaza, balse wuxuu sheegay inuu taageersan yahay wax uu ku sheegay ”xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo.”

Dalka Faransiiska ayaa mowqif cad muujiyey, iyadoo uu Danjire Nicolas de Rivière oo hadlayey shirka kahor uu xitaa sheegay inay ka dhigan tahay ”fashil ku dhacay QM” haddii la fiiteeyo qaraarka xabbad joojinta, wuxuu kale oo codsaday inaan codaynta lagu deg degine uu shirku sii socdo si loo wada xaajoodo oo xeer-jajab loo gaaro.

Dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo ah 2-da dal ee kale ee fiitada leh, iyo 2-da dal ee qura ee aan reer Galbeed ahayn ee ka mid ah 5-ta rigliga ah, ayaa taageeray xabbad joojinta, balse wax kasta waxay ku xirnaan doonaan sida ay u dhaqmaan 5-ta dal oo wada dhan, waayo haddii uu mid qur ihi fiiteeyo waa gubtey qaraarku.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media