Masar oo hal arrin ku taageertay Somalia (Maxay ka dhaadhicisay dalalka kale ee Afrika?)

0

(Qaahira) 05 Dis 2023 – Ergayga Masar ee Midowga Afrika (AU) ayaa ku guulaystey inuu horseedo dadaal uu Midowga Afrika ku buuxinayo farqi dhaqaale oo dhan $25.9m oo Doollar oo ka dhiman howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, kaasoo ay soo wajahdey dhaqaale xumo.

Masar oo ah guddoomiyaha guddiga Miisaaniyadda Midowga Afrika, waxay la-tashiyo xooggan la yeelatay dalalka xubnaha ka ah, Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika, iyo waaxyaha kale, si ay xal Afrikaan ugu helaan farqigan dhaqaale iyadoo la adeegsanayo dhaqaalaha gaarka ah ee Midowga Afrika. Waxaa la tashiilayaa kharashyada qaar, iyadoo sidoo kale laga faa’iidaysanayo kaydka maaliyadeed ee Ururka AU.

Ergayga Joogtada ah ee Masar u fadhiya Midowga Afrika, Maxamed Gad, ayaa sharraxay shaqada Guddiga Miisaaniyadda, kaasoo ay Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Afrika ay kulankoodii ugu dambeeyey ee Nairobi bishii Luulyo 2023 u xilsaareen si ay u keenaan hindise lagu helayo maaliyadda loo baahan yahay.

Gad waxa uu sheegay in awoodda uu Midowga Afrika u yeeshay xal u helidda dhibaatada Afrika ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dalalka xubnaha ka ah mas’uuliyadda ka saaran arrimaha nabadda iyo amniga ee Qaaradda, waxa uuna beeniyey wixii sheegasho ah oo taa kasoo horjeedda.

”Masar waxay muhiimad gaar ah siinaysaa xasiloonnida Soomaaliya, waxayna taageertaa dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga iyo sidii loo dhisi lahaa awoodda hay’adaha dowladeed ee shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Gad.

Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii wado taageerada dadaallada lagu doonayo in lagu helo tabarrucaad ay Qaramada Midoobey bixisay si loo maalgeliyo howlgallada taageerada nabadda ee uu hoggaamiyo ururka AU, iyadoo la tixgelinayo mas’uuliyadda koowaad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka saaran ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Hadalsame Media