”Kaan u dhigtayba maaha!” – Joao Felix oo si xun uga aarsaday macallin Simeone (Daawo)

0

(Barcelona) 05 Dis 2023 – Jookarka Joao Felix ayaa si xun uga aargoostay macallin Diego Simeone isagoo ka dhaliyey goolka kaliya ee madiga ahaa ee ciyaartii ay Barcelona 1-0 ku garaacday Atletico Madrid.

Simeone waxa uu Nou Camp kala kulmayey habaar 11-kii sano ee uu joogay Madrid, waayo weligiis kuma garaacin Barcelona meel ka baxsan gurigiisa Madrid.

Joao Felix waxa uu Atletico Madrid kula jiraa heshiis ilaa 2029-ka. Waxa ayse rajaynayaan inuu si fiican ugu ciyaaro Barcelona si kooxda reer Catalonia ay go’aansato inay wada iibsato xagaaga soo socda – balse qorshohoodu ma ahayn inuu iyaga gool ka dhalin doono.

Mase ahayn kaliya Joao Felix e, balse goolhayaha Barcelona ee Inaki Pena ayaa si cajiib ah u muuqdey qaybtii dambe ee ciyaarta isagoo sameeyey laba badbaadin oo gool loo filan karey si uu uga hor istaago inay goolka barbarro ah dhaliyaan Atletico Madrid.

JOAO FELIX WHAT A GOAL🔥🔥🔥 pic.twitter.com/YtcrH7aPP2

Hadalsame Media