Dood ka timid caano boore cusub oo Sucuudiga laga keeno (Maxaa lagu qoonsaday?)

0

(Hadalsame) 05 Dis 2023 – Ganacsadaha soomaaliyeed waxa dunida salkeeda yaalla waa keeni karaa lkn waxa dalkiisa yaal meelna uma iib geeyn karo” filasuuf shiiq mustafa

Caana boorahaan lacagta sanadkii nooga baxda haddii maalgashi lagu bedelo waxaan ugu yaraan samayn karnaa beero lo’da caanaha badan lagu xanaaneeyo oo isku fillaasho gudaha ah ayaan gaari karnaa

Caanahaan dalka laga keeno waa saxare kharash badan ayayna gelshaan oo xataa lo’da qaboojiye ayay u daaraan maadaama aanay hanfiga kulul u adkaysan karin. Maxaa annaga noo diidey?

Lo’da noocyada qaar waxaa maalinki laga lisaa 40 ilaa 50 liitar. Ganacsatada waa in la waydiiyo ”maxaad naga maaggan tihiin?”

Dowladdu waa inay ganacsadaha ku qalqaaliso bedelka uu dibedda ka keenayo inuu gudaha kasoo saaro. Bangiyaduna waa inay caawiyaan dadka maalgashada beeraha, xoolaha iyo badda.

Ardayda barta cilmiga beeraha, xannaanada xoolaha iyo culuumta badduna waa inay la yimaadaan daaraasaad iyo cilmibaaris wax ku ool ah oo nolosha bulshada wax ka bedesha

Dalkeennu waa dalka ugu xoolaha badan caalamka ee hadana caanaha ugu badan oo weliba boore u badan soo dhoofsada. Sabab?

Anigu Sucuudiga ma necbi laakiin Soomaaliya ayaan jeclahay.

W; Q: Axmed Cali

Hadalsame Media