QM oo markii ay qaadday cunaqabataynta hubka hal arrin soo jeedisey in deg deg looga caawiyo Somalia (Waa arrin muhim ah)

0

(New York) 02 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Goluhu wuxuu cunaqabataynta saaray Soomaaliya 1992-kii si loo gooyo qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayey, kuwaasoo xukunka ka tuuray keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, taasoo dalkan Geeska Afrika ku yaalla gelisey dagaallo sokeeye.

Xubnahan oo ka kooban 15 xubnood ayaa soo saaray laba qaraar oo ay soo diyaarisay Dowladda Britain, kuwaasoo kala ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee tirsigiisu yahay 733 iyo in dib loosoo celiyo cunaqabatqynta hubka ee saaran malleeshiyada argagagixisada ah ee Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Qaraarka qaadista cunaqabataynta hubka ayaa qeexaya “si looga fogaado shakiga, in aysan jirin wax cunaqabatayn hub ah oo saaran Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Waxa ay sidoo kale goluhu walaac ka muujinayaan tirada xarumaha lagu kaydiyo hubka iyo rasaasta ee Soomaaliya, waxayna dhiirrigelinayaan dhismaha, dib u habaynta iyo isticmaalka bakhaarro ammaan ah oo laga dhiso Soomaaliya oo dhan.

Waxay ku boorriyeen dalalka kale inay taa ka caawiyaan caawiyaan.

Hadalsame Media