Ferdinand oo xalay mar qura hal-haleel uga baxay istuudiyihii falanqaynta PSG vs Newcastle (Maxaa dhacay?)

0

(Paris) 29 Nof 2023 – Laacibkii hore ee Rio Ferdinand ayaa xalay si halhaleel ah uga tegey istuudiyaha ciyaaraha ee TNT intii lagu guda jirey kulankii Newcastle ay barbaraha 1-1 la gashay PSG kulankii ka dhacay Paris habeenimadii xalay.

Ferdinand waxa uu ciyaartan la falanqaynayey ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Newcastle ee Jermaine Jenas kahor ciyaarta – waxaana labadooda mar kusoo biiray qabtihii isla kooxdaas ee Shay Given.

Yeelkeede, ma uu awoodin inuu sii joogo goobta ciyaarta iyadoo tegistiisa lagu sheegay uun ‘daruuf aan la filayn’, sida ay sheegtay Laura oo ahayd weriyaha doodda ka qaybineysey hilinka TNT Sports.

Si kastaba ha ahaatee, Woods ay si deg deg ah ugu dhaqaaqday inay taageerayaasha u xaqiijiso in xaaladda xidiggii hore ee Manchester United ay caadi tahay oo ana dhib jirin.

Bayaan kooban ayay ciyaarta kaddib markii ay dooduhu u weecdeen dhanka kulanka United iyo Galatasaray ee caawa oo Arbaco ah, waxay Woods ka tiri arrinka Ferdinand: “Rio wuxuu joogi lahaa halkan si uu uga hadlo Manchester United laakiin waxay ahayd inaan u fasaxno [sababo la xiriira duruufo aan la filayn].

Waa OK xaalku. Ha welwelina.’ ayay raacisay.

Ilaa haatan lama faahfaahin waxa ay yihiin ”duruufaha lama filaanka ah” ee qabsaday gaashaankii hore ee Xulka England.

Hadalsame Media